Saturday March 02, 2019 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
hada wuxuu si toos ah uga baxay dhamaan madaahibtii Islaamka. isagoo ku tilmaamay kuwo duuqoobay aadna uga fogaaday Qur'aanka kariimka ah!
Cod aan ka heyno 2Garre ayaa wuxuu ku sheegay in hada uu wato fikir isaga u gaar ah!

Mar uu qol WhastsApp ah kula doodayay culimo Ahlusuno Ashaaciro ah ayuu wuxuu taageeray fikirka shiicada oo ah in Asxaabta Rasuulka SCW la caayi karo isagoo aad u aflagaadeeyay saxaabiga. Cabdulaahi Ibnu Cumar. RC iyo asxaab kale.

2Garre ayaa mar kale uu hadlayay si gaar ah ugu gafay. aflagaadeeyay Imaamu Shaafici RC isagoo ku tilmaamay inuu ahaa qabiiliiste Carbeed oo diinta ka fog; wuxuu rabana waajibiyo wuxuu rabana xaaraamtinimeeya. Wuxuuna 2Garre daliil ka dhigtay inuu Imaamu Shaafici xiran jiray duubka ay carabtu xirtaan taasoo ah wax aad loola yaabo waayo haduusan duubka carabta xiran ma wuxuu xiran lahaa suud iyo taay ama shaati iyo surwal fatashaari ah?!

Waxyaalaha la yaabke leh ee uu ku hadlay barfisoorka ayaa waxaa ka mid ah inuu yiri: "Axaadiista iyo fiqhiga ay suniga haystaan waxaa loo qoray dowladihii umawiyiinta iyo cabaasiyiinta si shacabka loogu rigeeyo, waxaana qoray buu yiri culimo qoorta seef looga hayay!!!"

Umada Soomaaliyeed waxaan uga digaynaa wadaadkaas mashruuca carab nacaybka iyo diin burburinta ah kasoo qaatay dowladda iiran iyo Shiicada.

FG: Prof 2Garre hadii uu ka waantoobi waayo zindiiqimada iyo diin caayga uu bilaabay; waxaan haynaa Dhamaan codadkiisii oo duuban, waxaana soo dhigi doonnaa baraha bulshada isagoo intaas iyo in ka daran ku hadlaya.
 
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
BARO MASHAA'IKHDA
Sheekh Cabdulqaadir Baajuuri
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Sheekh Maxamuud Cali Waceys
Sh. Omar Sh. Mohamed Farah
Sheekh C/risaaq Yuusuf Aadan
Macallim Maxamuud Sheekh Xasan