Wednesday March 01, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Waxaa maanta lagu wadaa in xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdiosho uu ka furmo kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana si rasmi ah u furi doona kalfadhiga Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.Furitaanka kalfadhiga 1-aad ee Baarlamanaka Soomaaliya kadib ayaa Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu Baarlamaanka horgeenayaa kana codsanayaa in codka kalsoonida siiyaan Ra'isul Wasaaraha uu soo magacaabay.

Xildhibaamnada Baarlamaanka ayaana codka kalsoonida siinaya ama u diidaya Ra'isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana la filayaa in Xildhibaanada ay cod aqlabiyad leh ku ansixin doonaan R/Wasaaraha.

Mid kamid ah Xildhibaanada golaha Shacabka oo la hadlay Shabakada Allbanaadir ayaa sheegay in rajo weyn ku qabaan in Xildhibaanada Baarlamaanka ay codka kalsoonida siiyaan Ra'isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

R/Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa marka uu codka kalsoonida helo kadib in uu soo dhiso Xukuumada tayo leh, waxaana Xukuumada uu soo dhiso mar kale iyana la horgeyn doonaa Xildhibaanada golaha shacabka.

XAfiiska Warqabadke ee Mustaqiim
Mustaqiimcom@hotmail.com
 
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
BARO MASHAA'IKHDA
Sheekh Cabdulqaadir Baajuuri
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Sheekh Maxamuud Cali Waceys
Sh. Omar Sh. Mohamed Farah
Sheekh C/risaaq Yuusuf Aadan
Macallim Maxamuud Sheekh Xasan