Waxaa goordhaw qarax gaari lagu soo xiray uu ka dhacay agagaarka Buundada Degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir , waxaana qaraxan ka dhashay qasaaro dhimasho sida aan wararka ku heleyno.Gaari nuuciisu yahay Harrier ayaa la sheegay in uu qarxay xili uu
marayay agagaarka buundada gaar ahaan halka loo yaqaan Unicef, waxaana
qaraxa ku dhintay sida aan wararka ku heleyno qof gaarigaasi saarnaa.
Gudoomiyaha Degmada Waabari oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in
gaariga qarxay uu watay qof shacab ah uu tilmaamay in uu ahaa arday,
waxa uuna qaraxa ku sheegay in uu ahaa mid gaariga lagu soo xiray.
Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxan goordhaw ka dhacay
magaalada Muqdisho, qaraxyada gaadiidka la isugu soo xiro ayaana marar
badan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana qaraxasai inta badan uu
waxyeelo gaarsiiyaa qofka gaariga lagu xiro wato.
Wixii war ah ee ka soo kordha, kala soco wararka yaga dambe
Xafiiska warqabadka ee Mustaqiim Mustaqiimcom@hotmail.com