Guddoonka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in Kalfadhiga 1aad ee golaha Shacabka uu si rasmi ah u furi doono maalinta arbacada ah ee soo socota oo ay taariikhdu ku beegan tahay 01-March-2017.Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa yiri “waxaan ku wargelinayaa
Jaalleyaasha Golaha Shacabka in ay u diyaar noqdaan furitaanka
Kalfadhiga 1aad ee Golaha Shacabka oo si rasmi ah u furmi doona maalinta
arbacada ah ee ay taariikhdu tahay 01-March-2017, saa daraadeed waxaa
Xildhibaannada Golaha Shacabka laga doonayaa dhammaan iney diyaar ku
yihiin maalintaas xarunta Golaha Shacabka, saacadda 09:00am subaxnimo”
“Waxaa na hor yaala howlo culus oo muhiim u ah dhameystirka dowlad
dhisidda Soomaaliya oo qeyb weyn oo ka mid ah ay Xildhibaannada si hufan
usoo guteen waxaanna si xushmad iyo qadarin leh uga codsanayaa
Xildhibaannada Golaha Shacabka in si aan u gudanno waajibaadkaas na
horyaala ay dhowraan waqtiga islamarkaana usoo xaadiraan furitaanka
Kalfadhiga 1aad “ayuu hadalkiisa raaciyey Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan
“Jawaari” Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
27kii December 2016 ayey soo bilowdeen howlaha Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya xiligaasi oo wadajir loo dhaariyey Xildhibaannada labada aqal
balse furitaanka rasmiga ah Kalfhiga 1aad ee Golaha Shacabka ayaa
noqonaya maalinta arbacada ee soo socota ee 01-March-2017 waxaana si
rasmi ah u furi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.
XAfiiska Warqabadka ee Mustaqiim Mustaqiimcom@hotmail.com