Tuesday February 28, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Guddoomiyihii Maxkamada darajada koowaad maamulka Puntland ee Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Kilwe ayaa caawa toogasho lagu dhaawacay isagoo ku sugan magaalada Gaalkacyo.Nin bastoolad ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday ayaa la sheegay inuu rasaas ku boobsaday Cabdiraxmaan Kilwe, kaasoo deg deg goobtan uga baxsaday.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka Puntland ayaa sheegay in Cabdiraxmaan Kilwe loola cararay isbitaalka Gaalkacyo, balse faahfaahin kama bixinin heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaciisa.

Weli ma cadda qaabka uu weerarkan u dhacay, iyadoo masuuliyiinta maamulka Puntland ee gobolka Mudug ay ka gaabsadeen iney ka hadlaan, mana ahan masuulkii ugu horeeyey ee dil iyo dhaawac loogu geysto magaaladaas.

XAfiiska Warqabadka ee Mustaqiim
Mustaqiimcom@hotmail.com
 
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
BARO MASHAA'IKHDA
Sheekh Cabdulqaadir Baajuuri
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Sheekh Maxamuud Cali Waceys
Sh. Omar Sh. Mohamed Farah
Sheekh C/risaaq Yuusuf Aadan
Macallim Maxamuud Sheekh Xasan