Monday February 27, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goordhaw ku qarxay meel u dhaxeysa Ex Jaacamada Gaheyr iyoi Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi ka dhashay qasaaro soo gaaray ciidamo katirsan dowlada.Sida aan Wararka ku heleyno gaariga qarxay ayaa maanta weerar ka geestay degmada Boondoore, waxaana dabley saarneed gaarigaasi ay rasaas ku fureen gaari kale uu la socday shaqsi la sheegay in Dowlada u shaqeeyo.

Ciidamo katirsan dowlada ayaa gaariga oo nuuciisu ahaa Surf qalin ah ku furay rasaas , waxaana gaariga oo la eryanayya markii dambe lagu qabtay Degmada Dyaniile gaar ahaan meel ku dhaw Jaamacada Gaheyr .

Gaariga ayaa la sheegay kahor inta uusan qarxin in uu galay wado bucaad ah, waxaana halkaasi kaga cararay ragii la socday, waxaana gooba gaaray ciidamadii eryanayya iyo katirsan booliiska iyo kuwa maamulka Degmada Dayniile.


Sida aan Wararka ku heleyno gaariga ayaa daqiiqado kadib gobtaasi ku qaraxy, waxaana qaraxaasi dhaawacyo kala duwan uu kusoo gaaray afar askari oo ciidanka katirsam booliiska iyo kuwa maamulka Degmada Dayniile .

Xafiiska Warqabadka ee Mustaqiim
Mustaqiimcom@hotmail.com
 
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
BARO MASHAA'IKHDA
Sheekh Cabdulqaadir Baajuuri
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Sheekh Maxamuud Cali Waceys
Sh. Omar Sh. Mohamed Farah
Sheekh C/risaaq Yuusuf Aadan
Macallim Maxamuud Sheekh Xasan