Monday February 27, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Waxaa saakay aroor hore abaaro 4-tii Subaxnimo dab xogan uu ka kacay qeybo kamid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha, waxa uuna dabkan baa bi'iyy goobo ganacsi oo aad u badan oo kuyaalay Suuqaasi.Dabka ayaa la sheegay in uu ka bilowday meel lagu gado bunka oo ku dhaw suuqa cusub ee Khaliifa, waxa uuna dabku si deg deg ah ugu faafay qeybo badan oo kamid ah Suuqa gaar ahaan dhinaca maacuunta iyo goobo kale.


Waxa uu dabku baa bi'yay inta badan Suuqa Maacuunta iyo sidoo kale Suuqa loo yaqaano Khaliifa , waxa uuna dabku kusii faafay qeybo kale oo kamid ah Suuqa Bakaaraha gaar ahaan agagaarka sarta Cali Dheere ..

Dabka ayaa socday ku dhawaad 5-saacadood, gaadiidka dab damiska ayey ku adkaatay in si deg deg ah u damiyaan dabka, waxaa ,markii dabe suuqa la keenay gaadiidka cagaf cagafta kuwaa oo markii dambe iyana ka qeyb qaatay daminta dabka.

Qasaaro aad u badan oo maaliyadeed ayaa ka dhashay dabka xoogan ee saakay qabsaday qeybo kamid ah Suuqa Bakaarahaa, waxaana halkaasi ku hanti beelay dad badan oo saacado kahor lahaa hanti ay noloshooda ku maareyn jireen.


Lama soo sheegin wax qasaaro nafeed ah oo ka dhashay dabka xoogan ee saakay qabsaday Suuqa Bakaaraha, waxaana Suuqa gaaray oo dadka caawinayay ciidamada amaanka dowlada oo sidoo kale amaanka sugayay.

Dabka saakay qabsaday Suuqa Bakaaraha ayaa la tilmaamay in uu yahay mid kamid ah kuwii ugu xoganaa ee suuqaasi qabsada, waxaana dad badan soo xasuusteen xiliyo hore uu sidan oo kale suuqa u gubtay.

wixii soo kordha kala soco wararka yaga dambe

XAfiiska Warqabadka ee Mustaqiim
Mustaqiimcom@hotmail.com
 
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
BARO MASHAA'IKHDA
Sheekh Cabdulqaadir Baajuuri
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Sheekh Maxamuud Cali Waceys
Sh. Omar Sh. Mohamed Farah
Sheekh C/risaaq Yuusuf Aadan
Macallim Maxamuud Sheekh Xasan