|
HAWEENEY NIN ALSHABAAB KA TIRSAN OO AJNABI AH QABAY OO LA SOO QABTAY
|
Ciidamada nabad sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa soo qabtay xaaska mid kamid ah saraakiisha Ajaaniibta Al-shabaab
Haweeneydan oo magaceeda la yiraahdo Leyla Cumar Baaruud waa xaaska sarkaal Ajnabi ah oo dhalashadiisu tahay Itoobiyaan kaasoo ka tirsan xoogaga Al-shabaab ee ka horjeeda dowlada Somalia.Saraakiisha ciidamada sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in lagu
raadjoogay haweeneydan muddo shan bilood ah oo ay ku dhuumaaley-saneysay
degmooyinka gobalka Banaadir. Leyla ayaa la sheegay iney kooxda Al-shabaab u qaabilsaneyd tashkiilinta
iyo marin habaabinta carruurta, iyadoo dugsi xifdinta Qur’aanka
Kariimka ah lagu barto ku laheyd Jubooyinka Ciidanka Sirdoonka Soomaaliya ayaa waabarigii maanta Leyla ku qabtay
demgada Cabdicasiis xilli ay dooneysay in gurigeeda hortiisa gaari ka
raacdo. Laylo Cumar Baaruud oo ah hooyo labo caruur ah leh, waxay saraakiisha
sirdoonku sheegeen iney ku talax tagtay fikradaha kooxda Shabaab oo
sida ay sheegtay ku tashkiilinayay fikradahooda muddo todobo sano ah. Haweeneydan ayaa sheegtay iney ku si jeeday seygeeda oo ah nin Ajnabi ah oo ay sheegtay inuu ku sugan yahay degmada Jilib.
XAfiiska Warqabadka ee Mustaqiim Mustaqiimcom@hotmail.com
|
|
|
|
 |
|
|
|