Saturday February 25, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saakay qeybo kamid ah magaaladaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo halkaasi marar badan horey ugu dagaalamay. Dagaalka ayaa la sheegay in uu socday saacado kooban, labada dhinac ee dagaalamayay ayaa isku adeegsanayay hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goob jooge ku sugan magaalada Marka ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii shalay magaaladaasi dhinac kamid ah dadka isku haya ay dhigeen banaan bax lagu taageerayay R/Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaana ddaka banana baxa dhigayay madaafiic kusoo garaacay dhinac kale.

Magaalada Marka waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay ay aheed mid wax xogaa xasiloon, waxaana magaaladaasi horey ula degay dagaal beeleed u dhaxeeya maleeshiyaad kala taabacsan labo beel oo wada dega magaaladaasi.

XAfiiska Warqabadka ee Mustaqiim
Mustaqiimcom@hotmail.com
 
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
BARO MASHAA'IKHDA
Sheekh Cabdulqaadir Baajuuri
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Sheekh Maxamuud Cali Waceys
Sh. Omar Sh. Mohamed Farah
Sheekh C/risaaq Yuusuf Aadan
Macallim Maxamuud Sheekh Xasan